Wasiir Fiqi: in ka badan 120 ayaan ka dilay Khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku dabaal-degaya Buundada Bariire oo Khawaarijta ay ku laayeen ayaa soo bandhigay qaar kamid ah hubkii iyo saanadii ciidan oo ay ka furteen cadowga.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalka ka socda gobolka Shabeelllaha Hoose, tirada Khawaarijta looga dilay Bariire iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo nolosha lagu qabtay.

Wasiirka ayaa sheegay in ku dhawaad 120 Khawaarij ah lagu dilay magaalada Bariire, iyadoo cadowga halkaas looga furtay hub iyo saanad ciidan, kadib markii maleeshiyaadkii firxaday ay hubkooda tuureen.

Wasiirka Gaashaandhigga, ayaa sidoo kale sheegay in uruurinta hubka ay barbar socoto asturidda meydadka Khawaarijta oo daadsan gudaha magaalada.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in Bariire ay tahay magaalo istaraatiiji ah, isla markaana xoreynteeda ay dowladda u tahay isgoys muhiim ah.

Cabdirisaaq Maxamed Cali oo u tartamaya duqa magaalada Hopkins ee gobolka Minnesota

Cabdirisaaq Maxamed Cali oo u tartamaya duqa magaalada Hopkins ee gobolka Minnesota

Iyadoo uu socdo ololaha ku aadan dhismaha hoggaanka maamul ee magaalada Hopkins oo ka tirsan gobolka mennisota ee dalka Mareykanka ayaa waxa duqa Magaalada Hopkins u tartamaya muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Maxamed Cali.

Aqoonyahan Cabdirisaaq Maxamed Cali oo u waramayay Wakaaladda Wararka Soomaalieed ee (SONNA) ayaa sheegay in hadii uu ku guulaysto kursigan ay ka dhigan tahay guul taariikhi ah oo dadka Soomaaliyeed u soo hoyatay.

Aqoonyahan Cabdirisaaq oo la tartamaya musharixiin dhowr ah oo ka soo jeeda bulshooyin kale ayaa intaasi ku daray intaasi ku daray in magaalada Hopkins ay u baahantahay hoggaan la socda danta guud iyo horumar bulsho.

  1. “Waxaan rabaa in la dhiso dowlad hoose oo dadkeeda ka warqabta oo dhageysata, waxaan ka damqadaa nadaafadda xaafadaha, badbaadada qoysaska iyo sidii bulshadu ay u heli lahayd fursadaha si cadaalad ah oo loo siman yahay, Ganacsatada, kiraystaha, milkiilaha guriga, ardayga, iyo odayga dhamaan ay u siman yihiin”. Ayuu yiri Aqoonyahan Cabdirisaaq Maxamed Cali.

Ugu dambeyn wuxuu ka codsaday bulshada ku nool magaalada Hopkins in ay codkooda ku taageeraan si adeegyo hufan oo loo wada siman yahay ay u helaan.

Ciidanka Xoogga oo dilay in ka badan 100 khawaarij ah sidoo kale na gacanta ku dhigay tiro maxaabiis ah

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa galabta si buuxda gacanta ugu dhigay magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib dagaal socday muddo toddobaad ah.

Inta lagu guda jiray howlgalka, in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa la dilay, waxaana gacanta lagu dhigay maxaabiis nool oo ka tirsan kooxda. Ciidamada ayaa haatan ka wada magaalada iyo deegaannada ku xeeran hawlgallo nadiifin ah, iyagoo gacanta kusoo dhigay hub iyo saanad ciidan oo fara badan.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay bogaadinaysaa geesinnimada CXD, AUSSOM iyo taageerada Saaxiibada Caalamka, waxayna dib kala wadaagi doontaa faahfaahin dheeraad ah marka lasoo gabagabeeyo aruurinta xogta.

Soomaaliya iyo Yemen oo iska kaashanaya la dagaalanka hubka Sharci darrada ah

Yemen:-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen Cabdixakiin Maxamed Axmed, ayaa maanta qasriga madaxtooyada kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka dalka Yemen Mudane Caydruus Qaasim Al -Zubeedi .

Madaxweyne ku xigeenka iyo Danjiraha ayaa ku wada hadlay iskaashiga laba geesoodka ah ee udhaxeeyo labada dowladood iyo xariirka labada shacab dhanka gancasiga iyo arrimah bulshada, sidoo kale waxaa looga wada hadlay xoojinta amniga xeebaha iyo ka hortaga khatarha sida burcad badeedka , hubka sharci darrada ah iyo tahriibka.

Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb-gashay Kulanka 9aad ee Guddiga Farsamo iyo Wasiirrada ee COMESA

Lusaka:- Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Beeraha Iyo
Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed oo hoggaamiya  wafdiga ka socday Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Kulanka 9aad ee Guddiga Farsamo iyo Wasiirrada ee COMESA, kaasoo looga hadlayay Beeraha, Deegaanka, iyo Kheyraadka Dabiiciga ah
Kulankan heerkiisu sarreeyo oo ka dhacay magaalada Lusaka, Zambia, wuxuu xambaarsanaa arrimo muhiim ah oo ku saleysan dardargelinta Is dhexgal Goboleedka iyada oo loo marayo
Horumarinta Silsiladaha Qiimaha ee Cimilada u Adkaysiga Beeraha, Macdanta iyo Dalxiiska.

Wasiiru-Dowlaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay muhiimadda ay leedahay in si mideysan, hal-abuur leh loogu wajaho horumarinta beeraha iyo isbedelka Cimiladda isagoo xusay in soomaaliya hiigsaneyso koboc dhan 10–15% ee wax soosaarka beeraha marka la gaaro 2029.

• Yaraynta cunno yarida 12% iyo saboolnimada 10%.
• Ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah sida dhulkabeereed, biyaha hoostooda, xeebaha dhaadheer iyo xoolaha nool wuxuu hoosta ka xariiqay fursadaha ballaaran ee ku jira dhaqaalaha badda (Blue Economy), gaar ahaan kalluumeysiga iyo marin-u-helidda suuqyada caalamiga ah, isagoo xusay in Soomaaliya leedahay xeebta ugu dheer Afrika – 3,333km.

Wasiirka wuxuu baaq u diray dalalka COMESA iyo la-hawlgalayaasha horumarineed in:

• La dardargeliyo isticmaalka tiknoolajiyada dijitaalka ah iyo hababka beeraha ee cimilada u adkaysan kara.
• La ballaariyo waraabka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha miyiga.
• La dhaqan geliyo istiraatijiyadda Kampala ee CAADP siloo taageero beeraleyda yaryar.
• La xoojiyo ka-qaybgalka ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo shaqo abuurka dhalinyarada.

“Guusheenu kuma xirna keliya tayada dukumiintiyada aan diyaarinno, balse waxay ka muuqan doontaa isbeddelka dhabta ah ee dhulka beeraleyda, suuqyada, iyo bulshada dhexdeeda.”ayuu yiri wasiir Asad.

     

‘Kaarka Aqoonsiga waa dhowrista xogta, ammaanka iyo hufnaanta adeegyada dowladda (FAALLO)

Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) waa Hey’adda ugu muhiimsan ee dowladda Soomaaliya u xilsaaran taabagelinta iyo ilaalinta nidaamka aqoonsiga Qaran ee dhammaystiran. Hey’adda NIRA oo lagu aas-aasay Xeerka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta (Xeer No. 009 ee Maarso 2023-kii), NIRA waxa loo igmaday in ay siiso muwaadin kasta iyo qof kasta oo si sharci ah u deggan aqoonsi sugan oo la xaqiijin karo, iyada oo la sameynayo Nambarka Aqoonsiga Qaranka (NIN), oo sidoo kale loo yaqaanno ‘Tirsi Aqoonsi’ oo Soomaali ah.

Adeegyada NIRA waxay udub dhexaad u yihiin abuurista xog Qaran oo adag oo la isku haleyn karo, kaasi oo taageera adeegyo kala duwan oo muhiim ah, sida ka mid noqoshada maaliyadeed, helitaanka daryeelka caafimaadka, iyo barnaamijyada ilaalinta bulshada, iyadoo la adeegsanaayo tiknoolajiyada horumarsan ee biometric, oo ay ku jiraan sawirka Faraha iyo aqoonsiga Wejiga, NIRA waxay xaqiijisaa daacadnimada, saxnaanta, iyo amniga aqoonsiga shaqsiga, iyadoo gacan ka geysaneysa yareynta khiyaanada, wanaajinta maamulka, iyo kobcinta horumarka Qaranka.

Hey’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaran ee Soomaaliya (NIRA) ayaa daah-furtay daabacaadda Kaarka Aqoonsiga Soomaaliya, tan oo loo aqoonsaday tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hannaan dhanka aqoonsiga ah oo mideysan, waana in ka badan 30 sano kadib oo dalka uusan ka jirin hannaan aqoonsi. Hey’adda ayaa sheegtay in helidda aqoonsi rasmi ah ay ka caawin doonto muwaadiniinta Soomaaliyeed inay helaan adeegyada iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin, kuwaasi oo markii hore ay ku adkeyd heliddooda.

Haddaba waxaa dhawaan magaalada Muqdisho ka qabsoomay kulan muhiim ah oo u dhexeeyay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed iyo Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), kaasi oo looga hadlayay is-waafajinta adeegyada labada hey’adood iyo qorsheyaasha la xiriira adeegsiga Kaarka Aqoonsiga Qaranka, waxaana kulanka shir guddoomiyay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), waxaa qeyb ka ahaa:

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), Maareeyaha Hey’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), Cabdiwali Cali Cabdulle (Tima-cadde), Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mustaf Dhuxuloow, iyo Howlwadeeno ka kala socday labada hey’adood, ujeeddooyinka ugu waaweyn ee kulanka waxaa ka mid ahaa:

* Hirgelinta isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee qaadashada baasaboorka

* Dardargelinta aqoonsiga caalamiga ah ee Baasaboorka Soomaaliga

* Sugidda iyo tayeynta xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed

* Xoojinta is-dhexgalka nidaamyada xog-wadaagga ee HSJ iyo NIRA

* Dhisidda hannaan joogto ah oo ay si wadajir ah u fuliyaan labada hey’adood.

Intii uu socday kulanka, waxaa laysla meel dhigay in laga bilaabo 1-da Sebteembar 2025-ka, dadka qaadanaya Baasaboorka Soomaaliya in laga rabo in ay haystaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo xaqiijiyo sugnaanta iyo kalsoonida xogta muwaadinka. Sidoo kale, waxaa la go’aamiyay in laga bilaabo 1-da Janaayo 2026-ka, dhammaan socdaalka gudaha dalka lagu xiro isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo hubiyo xogta shakhsiga ah ee Muwaadiniinta.

Labada Hey’adood ayaa muddooyinkii u dambeeyay si wadajir ah uga shaqeynayay is-waafajinta adeegyada dowliga ah ee ay siiyaan dadweynaha, si muwaadiniinta loogu sahlo helitaanka xaquuqdooda dastuuriga ah. Tallaabooyinkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu mideynayo xogaha muwaadiniinta, laguna adkeynayo dhowrista xogta, ammaanka, iyo hufnaanta adeegyada dowladda.

“Howlgaladeenu waxay ku kooban yihiin xarumaha xogta, xafiisyada diiwaangelinta gobolka, iyo qeybaha diiwaangelinta wareegta, si loo hubiyo caymiska dalka oo dhan, gaar ahaan bulshooyinka fog fog iyo kuwa la heybsooco. Nidaamka aqoonsiga NIRA wuxuu sidoo kale u adeegaa sidii qalab muhiim u ah fududaynta aqoonsiga online iyo offline ee qeybaha kala duwan, oo ay ku jiraan Bangiyada, isgaarsiinta, duulista, iyo hey’adaha dowladda”, ayaa lagu xusay qoraalka.

Hey’addu waxay kaloo qoraalkeeda ku xustay, Marka laga soo tago bixinta adeegyada xaqiijinta lagama maarmaanka ah, NIRA waxay si iskaashi ah ula shaqeysaa waaxyaha guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay, si ay u dhexgaliyaan nidaamka aqoonsiga qaranka kiisas badan oo la isticmaalo, laga bilaabo diiwaangelinta SIM-kaarka ilaa qeybinta daryeelka bulshada iyo macaamil ganacsi oo sugan oo online ah.

Aqoonsiga qaranku wuxuu sidoo kale door muhiim ah ka ciyaari doonaa dadaallada bani’aadamnimada, isagoo gacan ka geysanaya hagaajinta qeybinta gargaarka iyo hubinta in kheyraadka la gaaro kuwa aadka u baahan. Hadafka NIRA waa in la abuuro nidaam aqoonsi oo la aamini karo, muwaadin udub dhexaad u ah kaas oo taageera ammaan, hufnaan, iyo adeeg bixin hufan oo Soomaaliya oo dhan ah.

“Anagoo si xoogan diirada u saarnay xogta gaarka ah, helista, iyo ka mid noqoshada, waxaa naga go’an inaan dhisno kalsoonida u dhaxaysa dowladda iyo dadkeeda anagoo horumarinayna iskaashiga daneeyayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Iyadoo loo marayo hal-abuurnimo joogto ah iyo diiradda saaraya khibradda adeegsadaha, NIRA waxay wadaa isbeddelka dhijitaalka ah ee Soomaaliya waxayna gacan ka geysaneysaa horumarka dhaqan-dhaqaale ee dalka” ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay NIRA.

By. C/lahi Ruush

Wasiirka Caafimadka XFS “Dowladda waxaa ka go’an tayeynta cisbitaalada iyo hirgalinta kuwo cusub”

Wasiirka Caafimadka XFS  Dr. Cali Xaaj oo ka qeybgalay kulanka todobaadka  waraahinta qaranka ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal u gashay dayactirka 8 cisbitaal oo ku yaalla Muqdisho iyo deegaanada kale ee maamul goboleedyada dalka.

Wasiirka ayaa shaaciyay in dowladda ay haatan ku howlan tahay dhismaha 6 cisbitaal oo laga hirgalinaayo degmooyinka ay maamulaan dowlad goboleedyada,si ayuu yiri “shacabka halkaasi ay u helaan daaweyn ay kaga maarmaan deegaanada kale.

Wasiirka Caafimadka XFS  Dr. Cali Xaaj ayaa qiray in ay shaqaaleysiiyeen dhaqaatiir howlkar ah,isagoo intaa ku daray in cisbitaalada Banaadir iyo Martiini lagu qalabeeyay adeegyo aasaasi ah oo gacan ka geysan kara la socodka xanuunada kala duwan ee inta badan soo rida bukaanada caadiga ah.

Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in ay si joogto ah uga warqabaan dhaqdhaqaaqyada cisbitaalada gaarka ah,isla markaana ay leeyihiin xiriir fiican oo xagga wada shaqeynta ah.

Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza

Ku xigeenka Ergayga Ruushka ee Qaramada Midoobay Dmitry Polyanskiy ayaa cambaareeyay qorshaha Golaha wasiirada Israa’iil ay ku saxiixeen in ay  qabsadaan guud ahaan deegaanada Gaza.

Ergeyga oo la hadlay saxaafiyiinta ku sugan xarunta UN-ka ayaa yiri “Waxaan u maleyneynaa in tani ay tahay tallaabo aad u xun oo loo qaaday jihada qaldan, waana cambaareyneynaa falkaan iyo mid kale oo lamid ah”.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa soo bandhigay qorshe la doonayo in lagula wareego gacan ku haynta marinka Qaza,iyadoo qorshaha lagu bilaabayo in ciidamada Israa’iil ay u dhaqaaqaan goobo aysan horey u gelin, oo ay ku jiraan waxa ay ku tilmaantay xeryo ku yaalla bartamaha Gaza oo Xamaas ay ku tababarto ciidamada iyo magaalada Gaza lafteeda.

Sidoo kale,qorshaha ayaa dhigaya in dadka deggan magaalada Gaza laga saaro koonfurta oo ay ku xigto in la hareereeyo magaalada oo la bilaabo weerarro dheeraad ah oo laga sameeyo meelaha dadku ku badan yahay, sida laga soo xigtay ilo wareedyo aan la shaacin.

Israa’iil ayaa wajaheysa caro xooggan oo ka dhalatay dagaalka burburka ah ee ay ku hayso Gaza, halkaasoo in ka badan 61,200 oo qof lagu dilay tan iyo Oktoobar 2023.

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal la beegsaday khawaarijta ka fuliyay Sh/Hoose

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa xalay howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan ayaa lagu beegsaday guri ay deganaayeen horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay halkaasi ku maleegaayey  falal argagixiso ah.

Waxaa jira khasaare xooggan oo gaaray khawaarijta, gaar ahaan horjoogeyaal sare oo ku sugnaa halkaasi ayaa la sheegay in ay ku dhinteen.

Faahfaahin dheeraad ah ayaan idinla wadaagi doonaa saacadaha soo socda.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo la dardaarmay saraakiil deeq waxbatasho ka helay Shiinaha

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa ka qeybgalay Xaflad ka dhacday Muqdisho oo loo osameeyay 31 sarkaal oo deeq waxbarasho ka helay Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha.

Wasiiru dowlaha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah iyo garab istaagga ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeeda..

Wasiir Cumar ayaa saraakiisha ka socday ciidanka xoogga kula dardaarmay in ay si buuxda uga faa’iideystaan fursaddaan qiimaha leh, isla markaana ay soo laabtaan,iyaga oo xambaarsan aqoon casri ah, xirfad sare iyo waayo-aragnimo ka ka tarjumaya baahiyaha amni ee qaranka.

Munaasabadda waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka, S/Guuto Maadeey Sheekh Nuur Ufuroow, , Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu iyo marti sharaf kale.