Guddiga Doorashooyinka maamulka K/galbeed oo dib ugu laabtay Baydhabo+Sawirro

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur galbeed maanta waxaa dib ugu laabtay Guddiga Doorashooyinka maamulkaas.

Guddiga ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ku qaadanayay tababar la xiriira arrimaha Doorashooyinka.

Muddada kooban ee tababarka u socday ayaa lagu baray nidaamka maamulka doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka, taasoo ay bixinayeen khubaro aqoon u leh arrimaha doorashooyinka.

      

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo gaaray magaalada Khartuum

Khartuum- Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cabdixakiim Luqmaan ayaa gaaray magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan.

Gudoomiyaha waxaa ku soo dhaweeyay caasimada sedex geesoodka dalka Suudan Khartoum Ku-simaha Safiirka Safaarada Soomaliya ee Dalka Suudan Axmed ibraahim Buurfuule iyo Madaxa Ganacsiga Safaarada Soomaaliya Dalka Suudan Yusuf Axmed Xasan Jeego iyo Jaaliyadda ku dhaqan dalka Suudan.

Guddoomiyaha  Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa safar shaqo ku tegay dalka Suudan, wuxuuna mudada uu ku sugan yahay  kulamo kale duwan la qaadan doona Jaaliyadda iyo Ganacstada iyo Aradayda Soomaaliyed ee wax ka  barta dalkaasi suudaan.

Ciidanka amniga oo Howlgalo ka sameeyay magaalada Jowhar

Ciidanka amniga ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka ka sameeyay xaafadaha magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad goboleedka Hirshabeelle

Howlgalkaan oo ahaa mid amniga lagu sugayo ayaa lagu soo qabtay dad aad u fara badan, kuwaas oo qaarkood lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab.

Howlgalka oo ay si wadjir ah u fuliyeen Ciidamo isugu jira Boolis, Nabad sugid iyo ciidanka Booliska ee sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa baaritaanada u sameynayay si feejigan, iyagoo u dhimrinaya shacabka.

Mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Hirshabeelle ayaa ciidanka ku bogaadiyay Howlgalada ay wadaan iyo sida ay bulshada ula dhaqmayaan,waxayna ku micneeyeen ujeedka howlgaladan kuwo lagu sugayo amniga,islamarkaana Bulshada dhexdeeda looga qabanayo dhagar qabayaasha Al-Shabaab.

Amiirka Qadar oo Dalka Sacuudi Carabiya uga qeybgalaya Shirka Wadamada Gacanka

Amiirka Qatar Amiir Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani ayaa u ambabaxay dalka Sacuudi Carabiya,si uu uga qeybgalo shir madaxeedka wadamada Khaliijka oo la filayo in lagu saxiixo heshiis rasmi ah oo ku saabsan soo afjaridda khilaafka Qadar kala dhexeeya xulufada uu hogaamiyo Sacuudiga.

Tallaabadaan ayaa timid kadib markii Wasiirka Arimaha Dibada ee Kuweyt uu ku dhawaaqay galinkii dambe ee shalay in Sacuudi Carabiya ay dib u fureyso hawadeeda, iyo sidoo kale xuduuda dhulka iyo bada ee ay la wadaagto Qatar, taasoo wadada u xaaraysa heshiis lagu xalinayo xiisada khaliijka.

Bishii Juun 2017-kii, Sacuudi Carabiya, Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE), Baxrayn iyo Masar waxay ku eedeeyeen Qadar inay taageerto argagixisada iyo inay aad ugu dhowdahay Iran.

Qatar ayaa marar badan beenisay eedeymaha loo soo jeediyay waxayna sheegtay in aysan jirin cudur daar sharci ah oo ku aadan xiriirka loo jaray.

Guddiga doorashooyinka oo kulan la qaatay safiirka ku xigeenka Talyaaniga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaalka mudane Maxamed Xasan Cirro iyo xubno ka tirsan guddiga hirgelinta doorashooyinka federaalka ayaa kulan la qaatay mudane Massimiliano Bertollo, Safiir ku-xigeenka Dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay howlaha doorashooyinka iyo tabashooyinka jiro iyagoo adkeeyay in ay muhiim tahay meel marinta heshiiskii 17-kii Sebtember ee ay wada gaareen dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Guddoomiyaha guddiga Maxamed Xasan Cirro ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga kaalinta ay kaga jirto tageerida Soomaaliya.

Safiirka ayaa isna dhankiisa boggaadiyey shaqada la qabtay iyo dadaallada ay wadaan Guddiga Doorashada, isagoona ku adkeeyay inay qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah.

Guddiga ayaa safiirka u sheegay inay diyaar u yihiin hirgalinta doorasho daahfuran oo xilligeeda ku dhacda, waxayna ka codsadeen beesha caalamka inay kaalintooda qaataan.

  

XFS waxay bogaadinaysaa dadaallada Amiirka Kuweyt ee la isugu soo dhawaynayo dalalka Khaliijka

Muqdisho- Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kuweyt ee ku saabsan miro-dhalka dadaallada dib u heshiisiinta Boqortooyada Sucuudiga iyo Dowladda Qatar.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadinaysaa waanwaanta iyo dadaalkii joogtada ahaa ee Amiirkii hore ee dalka Kuweyt, Alle ha u naxariistee, Sheekh Sabaax Axmed Aljaabir uu ku bixiyey xal u helidda khilaafkan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku faraxsan tahay dadaallada Amiirka dalka Kuweyt Amiir Nawaaf Axmed Aljaabir ee hoggaaminta iyo sii ambaqaadidda wadahadallada lagu dhammeystirayo soocelinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo dad ee walaalaha ah.

Ugu dambeyntii, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa mar walba ka go’an xoojinta xiriir diblomsiyadeed oo ku dhisan dhexdhexaadnimo, wax wadaqabsi iyo ilaalinta xasilloonida iyo madaxbannaanida dalalka dan-wadaagta ah.

Madaxweynaha Galmudug oo safar shaqo ku yimid Muqdisho

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (qoor-qoor), iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goor dhow safar shaqo ku soo gaaray magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ka soo ambabaxay magaalada Garoowe oo maalmihii dambe uu uga qeyb galayay shirkii Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage iyo shirar doceedyo dhowr ah ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magalaada Muqdisho ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan xildhibaanada laba gole ee BFS, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

 

 

       

Xabsiga dhexe ee caasimada Galmudug oo lagu dhisayo iskaashi bulsho oo la dhagax dhigay.

Samareeb- Guddoomiyaha magaalada Samareeb ahna duqa caasimada Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geedaqoroow oo ay wehliyaan Saraakiisha Booliska Samareeb iyo wakiilo ka socda ganacsatada Galmudug, ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha xabsiga dhexe ee caasimada Samareeb ee dowlad goboleedka Galmudug.

xabsiga dhexe ee magaalada Samareeb ee Galmudug, ayaa lagu dhisaya isku tashi bulsho iyo taageero ay ku yabooheen qaar kamid ah ganacsatada Galmudug oo dareemay baahida loo qabo in dib loo dhiso xabsiga dhexe oo mudo burbursana.

Wasiirkii hore arrimaha gudaha XfS, Cabdisamad Macalin Maxamuud, oo ku hadlay afka xubnaha qeybta ka ah mashruuca dib loogu dhisayo xabsiga dhexe ee magaalada Samareeb, ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay shaqada ay u is taageen, waxaana uu sheegay inay tahay mas’uuliyad ay gudanayaan.

           

 

 

Afghanistan iyo Taliban ayaa dib u bilaabaya wadahadaladii awood qaybsiga

Wakiilo ka kala socda dowladda Afghanistan iyo kooxda Taalibaan ayaa dib u billaabaya wadahadalladoodi ku saabsasaana awood qaybsiga.

Kulankaan ayaa lagu wadaa inuu beri oo talaada ah ka dhaco dalka Qatar oo hore u mati geliyay dhowr shir oo u dhaxeeyay labada dhinac.

Wadahadaladaan ayaa bilaawday bishii Sebtember ka dib markii kooxda Taalibaan iyo Maraykan ay ku heshiiyeen in la saaro ciidmada Marayakanka ee jooga dalka Afghaanistaan.

Afhayeen u hadlay dowladda Afghanistaan ayaa sheegay in dowladda ay ka go’antahay sidii looga mira dhalin lahaa wadahadaladaan muddada soo jiitamaayay.
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in wax kasta ay ka hormarin doonaan danta shacabka Afghaanistaan.

Dugsi hoose/dhexe oo laga hirgaliyay deegaanka Afweyn ee dagmada Samareeb

Wasiir Kuxigeenka waxbarashada Galmudug Shariif Maxamed Qaliif ayaa maanta si rasmi ah u furay Dugsi Hoose/Dhexe oo laga hirgaliyay Deegaanka Afweyn ee Gobolka Galgaduud.

Xaruntaan waxbarasho oo ay hirgalisay mu’asasada Baxru-nuur ayaa noqonaysa  mid fursad Waxbarasho u abuuraysa dadka ku nool qaybo ka mid ah miyiga fog ee Magaalada Dhuusamareeb.

Munaasabada furitaanka Goobtaan waxbarasho waxaa ka qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan baxru-nuur, guddoomiyaha caasimadda iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.