R/Wasaare Rooble oo bogaadiyay howsha guddiyada doorashooyinka ee shaacinta natiijada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maaxmed Xuseen Rooble waxa uu u hambalyeynayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT oo shaaciyay najiijada doorashada mudaneyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad ee JFS ee lagu soo doortay deegaan doorashooyinka kala duwan ee dalka si waafaqsan habraacyadii doorashada ee lagu heshiiyay.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale ku bogaadinayaa Dowlad-goboleedyada, Guddiyada doorashooyinka heer Dowlad goboleed ee SEIT iyo Guddiga xallinta khilaafaadka shaqadii adkeyd ee ay soo qabteen, waxa uuna rajeynayaa in ay doorashada xildhibaannada dhiman ee wadartoodu tahay 30 Golaha Shacabka ah loo soo dhammeystiro sida ugu dhaqsiyaha badan.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hambalyo iyo duco u dirayaa xildhibaannada cusub ee la shaaciyay isagoo u rajeynaya in Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda loo igmaday ee samata bixinta dalka.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ku adkeynayaa in ay ku taagnaadaan hirgalinta jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee ku eg 14-ka April, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, waxa uuna ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo ay khuseyso in ay guddiga ku gacan siiyaan gudashada waajibkooda.

 

Shir Amniga Garoonka la xariira oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Md Duran Axmed Faarax ayaa shir gudoomiyay kulan la xariira Amaanka Garoonka Aden cabdulle kadib weerarkii dhacay Todobaadkii hore.

Kulanka Waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawadda, Maareeyaha Garoonka Aden Cabdulle, Agaasimaha Hay’adda Socdaalka, Saraakiil ka socota Hay’adaha amaanka iyo AMISOM.

Intii Shirku socday ayaa Wasiir Duran Farah wuxuu Saraakiisha amniga ka dhagaystay warbixinnla xariirta dhacdadii arbacada todobaadkii hore ka dhacday Mariina Gate oo ka mida bafaha kaantarool ee lagu hubiyo amaanka Garoonka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Dawladda Soomaaliya ayaa faray Hay’adaha amaanka in la adkeeyo amniga si looga gaashaanto dhacdo la mida tii todobaadkii hore.

Xubin kamid ah Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Taliska Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigey Mowliid Maxamed Sheekh Manuur oo ka mid ahaa mufdo 5-Sano ah Kooxda Nabadiidka Al-shabab.Mowliid ayaa isku soodhiibey Ciidanka Xoogga Dalka.

Mowliid ayaa Nabadiidka Al-shabab u qaabilsanaa Jabhadeyn, isagoo ka howlgaleyey Gobolada Bakool , Galgaduud , Mudug, iyo Shabeellaha dhexe.

Wuxuuna sheegeyey in sababta ku Kaliftey in Al-shabab isaga soo baxo ay tahay Dhibaatada ay habeen iyo Maalin ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed iyo ka been sheegashada Diinta Islaamka.

WHO:Burburka goobaha caafimaad ee Ukraine oo kordhaya

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegay in ay kordhayaan weerarada ciidamada Raashiya ay u geysanayaan goobaha laga fuliyo adeegyada caafimaad ee gudaha Ukraine.

Ururka WHO ayaa intaa ku daray  in beegsiga xarumaha daryeelka caafimaadku ay qayb ka noqdeen xeeladaha iyo tabaha dagaalka casriga ah ee ay adeegsadaan ciidamada Ruushka.

In ka badan 70 weerar oo kala duwan ayaa la sheegay in lagu qaaday isbitaallo, xarumo caafimaad  iyo dhakhaatiir ,iyada oo ay sii kordhayaan maalin walba khasaaraha loo geysanaayo goobaha laga fuliyo adeegyada caafimaadka.

Muqaal iyo sawirro uu soo gudbiyay  ku xigeenka duqa magaalada ayaa muujinaya burbur xooggan oo soo gaaray dhismaha isbitaal weyn.

WHO:Burburka goobaha caafimaad ee Ukraine oo kordhaya

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegay in ay kordhayaan weerarada ciidamada Raashiya ay u geysanayaan goobaha laga fuliyo adeegyada caafimaad ee gudaha Ukraine.

Ururka WHO ayaa intaa ku daray  in beegsiga xarumaha daryeelka caafimaadku ay qayb ka noqdeen xeeladaha iyo tabaha dagaalka casriga ah ee ay adeegsadaan ciidamada Ruushka.

In ka badan 70 weerar oo kala duwan ayaa la sheegay in lagu qaaday isbitaallo, xarumo caafimaad  iyo dhakhaatiir ,iyada oo ay sii kordhayaan maalin walba khasaaraha loo geysanaayo goobaha laga fuliyo adeegyada caafimaadka.

Muqaal iyo sawirro uu soo gudbiyay  ku xigeenka duqa magaalada ayaa muujinaya burbur xooggan oo soo gaaray dhismaha isbitaal weyn.

WHO:Burburka goobaha caafimaad ee Ukraine oo kordhaya

ayaa sheegay in ay kordhayaan weerarada ciidamada Raashiya ay u geysanayaan goobaha laga fuliyo adeegyada caafimaad ee gudaha Ukraine.

Ururka WHO ayaa intaa ku daray  in beegsiga xarumaha daryeelka caafimaadku ay qayb ka noqdeen xeeladaha iyo tabaha dagaalka casriga ah ee ay adeegsadaan ciidamada Ruushka.

In ka badan 70 weerar oo kala duwan ayaa la sheegay in lagu qaaday isbitaallo, xarumo caafimaad  iyo dhakhaatiir ,iyada oo ay sii kordhayaan maalin walba khasaaraha loo geysanaayo goobaha laga fuliyo adeegyada caafimaadka.

Muqaal iyo sawirro uu soo gudbiyay  ku xigeenka duqa magaalada ayaa muujinaya burbur xooggan oo soo gaaray dhismaha isbitaal weyn.

Ruushka oo weeraro hor leh ugu hanjabay Ukraine

Ciidamada Ruushka ayaa ku hanjabay inay duulaan adag ku qaadi doonaan  shan magaalo oo ay ku jirto caasimadda Ukraine, kuwaa oo horay ay u go’doomiyeen.

Sarakiisha Ruushka ayaa sheegay in ciidamadooda ay xoogga saari doonaan sidii ay u dhameystiri lahaayeen gacan ku haynta shan magaalo oo ay ku jirta Kyiv, sidokale hoggaanka Ciidamada Ruushka ayaa ku hanjabay in dhismayaasha magaalooyinkan ay dhuka la simi doonaan.

Dhanka kale  Ukraine ay xaqiijisay in khasaare lixaad leh ay u geysateen ciidamada Ruushka, ayna ku qasbeen inay dib ugu  gurtaan magalooyinkii ay soo weerareen.

Wasaaradda gaashaandhigga  Ruushka ayaa ku dhawaaqday in ay dileen 1,351 Askari oo Ukraine u dhashay tan iyo markii uu dagaalka bilaawday, taas oo ay ka soo wareegtay muddo Bil ah.

Sidokale Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa xaqiijisay in gebi ahaanba lay burburiyeen ciidamadii Cirka iyo Badda ee Ukraine.

Argagixisada Al-Shabaab oo dad xoolo dhaqato ah ka afduubtay gobolka Mudug

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa deegaanka Baraag Ciise ee gobolka Mudug saaka ka afduubtay 7-ruux iyo ku dhawaad sedax kadin oo Geel ah.

Guddoomiyaha deegaanka Bajeela, Maxamed shuuke Abshir, ayaa xaqiijiyay in aroornimadii  hore ee Saaka ay maleeshiyaadka Al-shabaab afduubteen shacab xoolo dhaqato ah iyo xoolahii ay wateen.

Dadka deegaanka ayaa marar badan isku dayay in ay ka horyimaadaan in laga qaado xoolo maleeshiyada si baad ah dadka uga qaadi jireen, taas oo sababtay isku dhacyo dhexmara argagixisada iyo dadka deegaanka oo is abaabulay.

Bilihii lasoo dhaafay agagixisada Al-Shabaab ayaa weeraro dhuumaalaysi  ah  ugu geeysanayay dadka reer miyiga ah qeybo ka mid ah deegaanada Koonfurta gobolka mudug.

Mareynkanka, UK iyo Canada oo cunaqabateyn cusub ku soo rogay saraakiil militari oo ka tirsan Myanmar

Muqdisho- Dowladaha Maraykanka, UK iyo Canada ayaa cunaqabatayn cusub kusoo rogay Myanmar,kaasoo si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo saraakiisha sar sare ee militariga, oo ay ku jiraan taliyaha cusub ee loo magacaabay ciidamada cirka iyo kuwa lala xiriirinayo ka ganacsiga hubka.

Cunaqabateyn cusub ayaa jawaab u ah weerarrada arxan darada ah ee ay ciidamadu ku hayaan mucaaradka xukunka ka horjeeda.

Cunaqabateynta Mareykanka ayaa lagu bartilmaameedsaday saddex nin oo lagu eedeeyay inay ka ganacsanayeen hubka Myanmar iyo sidoo kale shirkado lala xiriiriyay.

“Waxaan qaadnay tillaabooyinkan maanta annagoo uga jawaabayna rabshadaha sii kordhaya ee taliska, si aan u muujinno taageerada xooggan ee aan u hayno dadka Burma, iyo inaan kor u qaadno isla xisaabtanka la xiriira afgambiga iyo rabshadaha uu wado talisku,” ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken.

Sidoo kale, Mr Blinken ayaa hadalkiisa intaas ku sii daray in ay sii wadi doonaan beegsiga nidaamka militariga iyo kuwa taageera ilaa ay ka joojinayaan rabshadaha ayna ka soo celinayaan dimuqraadiyadda Burma.

Agaasimaha Guud ee Warfaafinta iyo Agaasimaha SNTV oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta XFS C/llaahi Xayir Ducaaale oo uu la socdo agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed  Sharmaarke Maxamed Warsame ,ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyagoo ka soo ambabaxay dalkaTurkiga.

Munaasabaddii soo dhoweynta mas’uuliyiintaasi,waxaa ka qeyb galay Agaasimaha wakaaladda wararka Soomaaliyeed Ismaaciil Oronje, Agaasimaha Wargeyska Dalka Saalax Shire, Agaasimaha Radio Muqdisho Maxamed Kaafi, Ku simaha Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Abuukar Ma’da, Agaasimaha Baraha bulshada Cabdishakuur Cali Axmed iyo xubno kale.

Agaasimaha Guud oo ka hadlay munaasabaddii soo dhoweynta ayaa yiri“Waxaan u mahadcelineynaa cid walbo oo qeyb ka qaadatay in caafimaad uu helo agaasime sharma’ arke” .

Agaasimaha Guud C/llaaahi Xayir Ducaale,waxa uu Alle ka baryay in uu caafimaadkiisa u dhameystiro agaasime Sharma’arke,isagoo dhinaca kale naxariistii eebbe u rajeeyay Agaasimihii hore ee Raadiyo Muqdisho marxuum C/Casiis Afrika.

Agaasime Sharma’arke oo isna hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhoweyntiisa,wuxuuna intaa raaciyay in kooxaha argagixisada aysan cabsigelin Karin howlaha warbaahinta qaranka ee loo hayo bulshada.

Dhinaca kale, ehallada agaasimaha Telefishinka Qaranka ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo cid walba oo garab istaagtay xilliga uu dhaawaca soo gaaray agaasime Sharmaarke.