DFS iyo wakiilllada Caalamiga oo ka wada hadlaya samatabixinta Soomaalida ku go’doonsan dalka Suudaan

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane, Xamse Aadan Xaadoow, ayaa kulan iskugu yeeray Muqdisho qaar ka mid ah wakiillada hay’adaha caalamiga oo lagaga hadlayay samatabixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan dalka Suudaan oo ay ku dagaalamayaan Ciidamada Milatariga iyo kuwa Birmadka degdegga ah.

Kulankani oo ay goobjoog ka ahayd Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf, Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda Soo-Galootiga ayaa hadal uu ka jeediyay Xoghayaha Joogtada madashaasi waxa uu ku faah-faahiyay tallaabooyinka ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda u qaadday ka war-qabka iyo suuragalnimada daad-guraynta ardayda iyo qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan.

Wasiirka Warfaafinta oo hambalyo u diray tartamayaasha magaalada Dhuusamareeb

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane, Daa’uud Aweys Jaamac Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee sanadkan uu ahaa mid aad u xiisa badan, wuxuu hambalyo u diray tartamayaasha degmada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug kaalinta koowaad ka galay tartanka iyo tartamayaasha degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo galay kaalinta labaad.

“Waxan hambalyo hawada u marinayaa magaalada Dhusamareeb oo ku guuleysatey tartan aqooneedka Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee warbaahinta qaranka. Waxan iyaguna hambalyo u dirayaa magaalada Gaalkacyo oo kaalinta 2aad gashey iyo dhammaan degaannadii ka qeybgaley tartankan xiisaha leh ee dhalinyarada ku soo bandhigeen aqoontooda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa tilmaamay in tartankani  tusaale u yahay is dhaxgalka bulshada.

“Tartankan wuxuu tusaale u yahay biseylka iyo is-dhexgalka bulshada Soomaaliyeed, iyo in la abuuro jawi ay dhalinyarada wanaagga ka wada shaqeeyaan.

Wasiir Daa’uud wuxuu ugu dambeyn bogaadiyay hawlwadeenada wasaaradda ee sida wanaagsan isugu dubba riday tartanka intii uu socday.

“Waxaa sidoo kale amaan mudan hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo dadaal weyn u galey diyaarinta, iskudubaridka iyo hirgelinta tartankan xiisaha leh. Mar kale waxan idin leeyahay Ramadan Mubarak iyo Ciid Wanaagsan”

Yemen:78 ruux oo ku dhintay goob lagu bixinaayey adeeg samafal

In ku dhow78 qof ayaa lagu dilay isbuurasho ka dhacday iskuul ku yiillay caasimadda Yemen ee Sanca,xilli dad boqolaal ruux ah ay sugaayeen adeeg samafal oo loogu talagalay in lagu bixiyo Fitrada bisha Ramadaan.

Dhimashada dadka ayaa timid waqti boqolaal ruux ay isugu soo baxeen iskuul ku yiillay degmada Bab al-Yemen ee Sanca, iyagoo rajeynaya inay helaan deeq samafal oo ku dhow 10-Dollar oo dad ganacsato ah ay ugu talagaleen in loo isticmaalo adeegga Fitrada.

Goobjoogayaal la hadlay wakaalada wararka ee AP ayaa sheegay in ciidamo ka socda Xuutiyiinta hubeysan ay rasaas u tideen hawada,iyagoo doonaya in ay ku kala eryaan ama ku xakameeyaan dadka , hasa yeeshee rasaastaasi ayaa la tilmaamay in ay ku dhufteen silig koronto, kaasoo qarxay, isla markaana abuuray argagax sababay isbuurasho.

Muuqaalo kala duwan oo ay baahiyeen Xuutiyiinta gacanta ku haya caasimadda, ayaa muujinaya dhiig, kabo iyo dhar daadsan dhulka  iyo kooxo baarayaal ah oo ku sugan goobta ama aagga.

Wasiirka Arrimaha gudaha XFS oo si rasmi ah u soo xiray Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka  iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi  ayaa caawa soo gabo gabeeyay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo sanadkan ay ka qeyb galeen 30 degmo oo ka kala tirsan gobollada dalka oo av 15 ka mid ah ay ahaayeen degmooyinka Gobollka Banaadir iyo 15 degmo oo Gobolada Dalka ka mid ah kuwaasi oo ay ku jiraan degmooyin laga xoreeyay khawaarijta, waxaana taaba-gelinta  si wadajir ah isaga kaashaday Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga IBS.

Munaasabadda xiritaanka tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka waxaa ka kaloo ka qeyb galay  Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir mudane Maxamed Axmed Diiriye,  Agaasimaha Guud  ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, guddiga tartan cilmiyeedka, Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdifataax Daahir Jeyte iyo xubno kale

Agaasime Cabdifataax Daahir Jeyte oo ka mid ah guddiga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo xafladda hadal kooban ka jeediyay ayaa uga mahadceliyay tartamayaasha ka qeyb galay tartanka sida quruxda badan ee ay ku soo bandhigeen aqoontooda, isagoo mahadcelin gaar ah u jeediyay daadihiyeyaasha iyo gudiga tartanka oo u dhabar adeegay muddada uu tartanka socday, isla markaana uu xusay inay jireen Macalimiin Soomaaliyeed oo si qoto dheer ula socday hannaanka tartanka sanadkan.

“Tartanka sandkan aad ayuu u xiiso badnaa, dhiiri gelinta loo sameynayay degmooyinka ka sokow waxaa jirtay su’aalo dhextaal ah oo la weydiinayay dhageystayaasha iyo daawadayaasha ku taxan tartanka, kaasi oo habeenkasta uu bankiga IBS ku bjxinayay abaal marino lacageed oo ay caawa ugu dambeysay oo uu dhageyste ku guuleystay 300$, waxaan kaloo u mahadcelinayaa macalimiinta oo kaalin muhiim ah ka qaatay tartanka”. Ayuu yiri Agaasime Jeyte.

Qaar ka mid ah tartamaayashii kaalimaha koowaad iyo labaad ka galay tartanka oo ka hadlay munaasabadda xiritaanka ayaa u mahadceliyay cidkasta oo gacan ku siisay tartanka, ayna ku qanacsanyihiin natiijadii caawa tartanku ku soo idlaatay, kuwaasi oo isugu hambalyeeyay guusha.

Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay cidkasta oo gacan ka geysatay diyaarinta tartanka, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay howlwadeennada Warbaahinta Qaranka, Maamulka Gobolka Benaadir iyo Bankiga IBS oo iska kaashaday taabagelinta tartanka.

Guddoomiye Ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir mudane Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa yiri  “Runti waa wax lagu farxo in 30 degmo oo15 ka mid ah Gobolka Banaadir iyo 15 degmo oo Gobolada Dalka oo ay ku jiraan degmooyin dhawaan laga xoreeyay, khawaarijta in tartan nuucaani oo kale ah loo qabto, runtii tartaka waa mid ay Soomaali oo dhan ay ku xiranyihiin dal iyo dibad, hambalyo ayaan idin leeyahay”.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo khadka taleeefonka uga qeybgalay munaasabadda xiritaanka tartanka ayaa ugu horeyn hambalyo iyo bogaadin u diray dhamaan tartamaayashii ka qeybgalay tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka.

“Hambalyo ayaan u dirayaa dhamaan intii ka qeybgashay, gaar dhamaan reer Galmudug waxaan u hambalyeynayaa guuleystayaasha tsrtanka sanadkan oo ah magaalada Dhuusamareeb, sidoo kale Gaalkacyo waxaan  leeyahay Hambalyo oo kaalinta 2-aad ka gashy tartanka iyo tartamayaasha Degmada Hodan oo kaalinta 3-aad ku guuleystay”. Ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa hoosta ka xariiqay in la joogo waqti aqoon lagu tartamayo, isagoo hambalyo u diray cidkasta oo gacan ka geysatay taaba-gelinta tartanka oo ah mid si weyn ay bulshadu ugu taxantahay.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi  oo soo xiray tartan cilmiyeedka ayaa ugu horeyn hambalyo u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan tartamayasha kala galay kaalimaha 1-aad, 2-aad iyo 3-aad oo kala ah Dhuusamareeb, Gaalkacyo iyo Hodan oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud, Mudug iyo Banaadir.

Wasiir Fiqi ayaa si gaar ah u boggaadiyay  Guddiga tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo kaalin muuqda ka qaatay,  maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga IBS, isagoo xusay in tartanka uu ahaa Hooyada tartanka, maadaama ay ummadda Soomaaliyeed isha ku wada heysay hanaanka uu tartanka u socday.

“Waxaan hambalyo u dirayaa tartamayaasha ka qeyb galay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa tartamayaasha kala galay kaalimaha 1-aad,  2-aad iyo 3-aad, waxaan u mahadcelinayaa intii ka qeyb qaadatay iyo intii lahayd fikirka aqoonta lagu tartamayo, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo igu sharaftay furitaanka iyo xiritaanka tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka”. Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya.

Booliska Gobolka Banaadir oo gacanta ku dhigay 5-sarkaal oo lagu tuhmayo Masuq-maasuq

Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir ayaa kaddib howlgal qorsheysan oo uu ka fuliyey garoonka Aadan Cadde ee magadaalada Muqdisho waxa uu gacanta ku dhigay Shan Sargaal oo kamid ah Shabakad ballaaran oo Booliisku uga shakisan yahay in ay Musuq-maasuq iyo Wax-isdabamarin ka dhex wado Xafiisyada Maaliyadda iyo lacag-qabashada guud ee adeegyada dadweynaha ka bixiya garoonka.

Shabakaddan ayaa sidoo kale ku eedeysan in ay been-abuurteen Buugta iyo Xaashiyaha lacag-qabashada guud ee dowladda ayna Lunsadeen dakhli dowladdu leedahay oo ka yimaada Fasaxyada Shaqada (Work permit) Buugta iyo Xaashiyahaas been abuurka ah ayay kooxdu ku lunsanaysay kuna boobayey lacagta iyo hantida dadweynaha.

Xafiiska xeer-illaaliyaha guud ee Qaranka oo Kiiskan kooxda la wareegay ayaa diyaarinaya dacwad-oogista eedeysanayaasha iyada oo xubnaha hadda kujira gacanta dowladda iyo kuwo ku lugta lehba ay wajihi doonaan Caddaaladda.

Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa ku daba-jira xubno kale oo katirsan Shabakaddan ku eedeysan musuqa.

Madaxweyne Laftagareen oo Hambalyo u diray Abdifatah iyo Maxamed oo kaalimaha 1-aad iyo 2-aad ka galay Tartanka Qur’aanka Kariimka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa hambaliyo udirey dhammaan Tartamiyaasha Quraanka Kariimka ee metelayey Dowlad Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir oo lagu Qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu hambaliyeyey Abdifatah Ahmed Mohamed oo kaalinta 1-aad galay iyo Mohamed Ibraahim Mohamed oo kaalinta 2-aad galay kuna Metelayey Tartanka Dowlada Koonfur Galbeed.

“Alle ayey mahad usugnaatay waxaan hambaliyo udireyaa dhamaan tartamayaasha ku tartamayey akhriska Quranka Kariimka ee metelayey Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, si gaar ah waxaan Hambaliyo uleeyahay Abdifatah Ahmed Mohamed iyo Mohamed Ibraahim Mohamed oo metelayey Koonfur Galbeed kuna guulaystay tartanka.

Madaxweyne Laftagareen ayaa U-Mahadceliyey Waalidiinta iyo Maclimiinta Barbaariyey Wiilasha iyo Gabdhaha ku guulaystay Tartanka Quraanka Kariimka ah waxaana uu umahadceliyey cid waliba oo kaalin ka geysatay qabsoomida Tartanka.

 

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Diinta XFS oo kormeeray fariisin ay ciidanka ku leeyihiin duleedka Baydhabo

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Diinta iyo arrimaha Owqaafta xukuumadda federaalka Xildhibaan Saalax Shariif siidkey oo weheliyo Abaanduulaha Qeybta 60aad CXDS Gaashanle Dhexe Cali Xabad ayaa kormeer iyo dhiiro gelin ugu tagey Ciidanka geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo fariisin u ah Deegaanka Makuude ee Duleedka Baydhabo,

Wasiirka ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ku ammaaney sida casharka ugu dhigeen khawariijtii dhawaan weerarkii ay kusoo qaadey oo 14 dhaqar qabe halkaasi looga diley.

Sido kale, wasiir Saalax shariif siidkey ayaa Ku bogaadiyay geesiyaasha sida markasta ay heegan ugu yihiin difaaca Diinta, Dalka iyo dadka Soomaaliyeed,isagoona gaarsiiyey deeq lacag.

       

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Bisha Ramadaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ayaa abaal marinno guddoonsiiyey halyeeyada kaalimaha hore ka galay tartanka sannadkan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in tartankan Quraanka Kariimka ah, wiilsha iyo gabdhaha ka qeyb-galay, culimada hoggaamisay iyo dowladda soo qaban qaabisay ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dheggan yihiin diintooda suubban, ugana shaqeynayaan barashadeeda iyo ku dhaqankeeda.

Madaxweynaha oo sheegay in dowladnimada Soomaaliyeed ay aas-aas u tahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka ayaa abaal marin dhan 20.000 oo doolar waxa uu guddoonsiiyey Cabdifataax Axmed Maxamed oo kaalinta koowaad u galay sannadka Tartanka Quraanka Kariimka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa abaal marinno kale guddoonsiiyey xufaadda kala ah; Saabiriin Xasan Maxamed, Cabdulqaadir Yuusuf Maxamed, Xuseen Maxamed Cabdulle iyo Maxamed Ibraahim Maxamed oo galay kaalimaha hore ee tartanka.

Ugu danbeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey waalidiinta iyo macallimiinta barbaariyey halyeeyadan ku guuleysatay tartanka Quraanka Kariimka ah, waxa uuna Alle uga baryey in uu ku anfaco, fahamkooda barakeeyo, kana yeelo kuwii dalkooda ugu adeega.

                   

Share this Article

Ciidamada Xoogga dalka oo Jab xooggan Khawaarijta ku gaarsiiyay deegaanka Budbud

Ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha dib u xoreynta deegaanka ayaa jab culus Khawaarijta ku gaarsiiyey deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud oo galabta ay isku dayeen inay weerar arbushaad ah ku soo qaadaan.

Ciidanka Qaranka ayaa ku ku raad jooga firxadkii Khawaarijta, waxaana soo bandhigi doonaa xogta rasmiga ah ee jabkii galabta la gaarsiiyey Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ergayga arrimaha carruurta iyo xuquuqda soo-galootiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne ugu magacaabay Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda Soo-Galootiga.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo raacaya Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka KMG ayaa tilmaamay in Ergaygan aqoon iyo khibrad wanaagsan u leedahay ilaalinta arrimaha carruurta iyo xuquuqda soo-galootiga, isaga oo adkeeyey sida ay uga go’an tahay dowladda xaqiijinta arriimaha mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Ergeyga cusub ee Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda Soo-Galootiga dardargelinta dhammaan howlaha muhiimka u ah ka jawaabidda baahiyaha carruurta Soomaaliyeed iyo Xuquuqda Soo-Galootiga, iyadoo diiradda la saarayo qorsheyaasha Qaran ee ku saleysan ilaalinta Carruurta iyo xuquuqdooda aas-aasigaa.