MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SALAADDA CIIDDA LA OOGAY KUMANAAN SHACAB AH

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masaajidka Isbahaysiga Islaamka kula oogay Salaadda Ciidda, kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiinta iyo howlwadeennnada dowladda.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga oo astaan u ah is-jacaylka, midnimada iyo is garab istaagga dadka muslimiinta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baraarujiyey dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqamada wanaagsan ee lagu dadaalayey muddadii lagu guda jiray Bishii Ramadaan, kuwaas oo xoojinaya is-caawinta bulshada, walaalnimada iyo hufnaanta nafta.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda Ciidda awgeed, waxa uu si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, saraakiisha, askarta iyo qoysaska Ciimada Qalabka Sida, oo xaqiijiyey amniga dalka muddadii lagu gudajiray bisha Ramadaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay ahmiyadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay farxadda Ciidda deeq siiyaan dadka danyarta ah, ayaa Alle ka baryey in dalkeenna uu ku mannaysto naxariis, horumar iyo barwaaqo.

  

Ciidanka Danab oo deeq raashin ah gaarsiiyay xarun ay ku jiraan caruur darbi jiif ah

Ciidamo ka socday Kumaandooska Danab ee XDS ayaa deeq raashin ah gaarsiiyey xarunta lagu dhaqan celiyo caruurta darbi Jiifka ah ee.

Maama Ugaaso.

Madaxa Arrimaha Bulshada ee taliska guutada ciidamada Danab,Asli Maxamuud Xasan Xalane oo ka hadashay wareejinta iyo qeybinta deeqdaasi,ayaa caruurta ku jira carunta dhaqan-celinta ka codsatay in ay u soo duceeyaan ciidamada dalka oo dagaal kula jira kooxaha khawaarijta.

Qaar kamid ah caruurta ayaa ka mahadceliyay deeqdaasi raashinka ah ee la gaarsiiyay,waxayna ku duceeyeen in uu Ilaah siiyo ciidamada guullo isdaba jog ah.

Waxqabadka dhabta ah ee ciidamada ayaa ah in gacan ay ku difaacaan dalka,gacanna ku saacidaan shacabka.

Dhinacyada isku haya Suudaan oo la saaray cadaadis xabad-joojin ah

Waxaa sii kordhaya cadaadiska diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ka socda Suudaan oo ay ku dhinteen in ka badan 300 oo qof todobaadkaan.

Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo dalal kale ayaa wada xabbad joojin saddex maalmood ah oo loogu talagalay xusaka ciidaha Muslimiinta ee Ciidul Fidriga.

Ciidanka RSF ee ka horjeeda dowladda,waxa ay ogolaadeen xabbad joojin 72 saacadood ah ,balse ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidanka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa codsaday xabbad joojin si loogu oggolaado dadka rayidka ah inay gaaraan goobo badbaado leh.

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sidoo kale ka codsaday hogaamiyayaasha millatariga ee dagaalamaya si gooni gooni ah inay ku biiraan xabad joojin ugu yaraan ilaa Axada.

War qoraal ah oo ka soo baxay ciidamada Sudan ayaa lagu sheegay in Gen Burhaan uu taleefoono ka helay madaxda Turkiga, Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya, iyo sidoo kale Mr Blinken iyo wasiirada arrimaha dibadda Sacuudiga iyo Qatar.

Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee aqalka Sare oo Ugu Hambalyeeyay Umadda Islaamka Munaasabadda Ciidul fidriga.

Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee aqalka Sare Mudane Cali Shacban Ibrahim ayaa Dunida Islaamka gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Fidriga oo Ku Beegan Maalinta Berita ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in bishii Ramadaan ee kheyrka badneyd aawadeed,loona baahan yahay shacabka Soomaaliyeed iyagoo taas ka shidaal qaadanaya inay is cafiyaan, isu naxariistaan, isuna gargaaraan munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed.

“Ilaahay ha inaga aqbalo Soonka iyo cibaaddada kale ee aan la nimid bisha Ramadaan, shacabka Soomaaliyeedna Ilaahay ha siiyo raxmad, nabad iyo caddaalad, ayuu yiri.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay Guud ahaan Ciidamada Qalabka Sida iyo Ciidanka Dhalinyarada xaq u dirirka ee Macwiisleyda kuwaaa oo Guullo waaweyn ka soo hooyay Howlagada ka socda gudaha dalka ee wiiqay awooda Kooxda khawaarijta ee Al Shabaab taasi oo muujineysa Geesinamada Ciidamadeena iyo dadka Deegaanka.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyn ku baaqay in shacabku ay  ka shaqeeyaan dib u heshiisiinta, nabad ku wada noolaanshiyaha,wuxuuna dhinaca kale Ilaahay uga baryey in ciiddan ciiddeeda kale ay ku gaaraan , nabad, horumar ,barwaaqo iyo midnimo.

Share this Article

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ummadda Soomaaliyeed dowlad iyo shacabba ugu hambalyeeyay maalinta koobaad ee bisha Shawaal ee Ciidul Fidriga.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka uu Alle wax siiyay ugu baaqay in ay walaalahooda dan yarta ah la qaybsadaan farxadda Ciidul Fidriga lana wadaagaan damaashaadka maalintaasi.

Mudane , Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dalka ayaa si gaar ah uga dardaarmay in il gaar ah lagu eego walaalaha Soomaaliyeed kasoo barakacay abaaraha iyo musiibooyinka kale eek u duruufeysan magaalada Muqdisho.

CIID WANAAGSAN

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in berri ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Shawaal.

Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Mukhtaaq Rooboow Cali (Abuu Mansuur) oo ku sugan Xarunta Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kadib baadigoob dheer Dhalashada Bisha Soonfur laga arkay magaalooyin kala duwan oo kamid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa Ummadda Soomaaliyeed Xukuumad iyo Shacabba ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga.

Magaalooyinka laga arkay waxaa kanid ah Jowhar ee Gobalka Shabeellada dhexe, Cadaado ee Gobalka Galgaduud, Ceel Waaq oo Jubbada hoose ah iyo deegaanno kale oo kamid ah Soomaaliya.

Maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka oo ka wada hadlay arrimaha barakacayaasha

Ergayga gaarka ah ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magalaada Muqdisho u qaabbilsan arrimaha Abaaraha, Yaasmiin Jaamac Xasan ayaa kulan muhiim ah oo ku saabsan xal u helidda Maareenta dadka Barakacayaasha iyo sidii loo horumarin lahaa nolashooda la qaadatay Gudoomiyaha hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamud Macalim.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay xoojinta wadashaqeynta Hey’adda Maareenta iyo Musiibooyinka qaranka iyo sidoo kale xafiiska Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha u qaabilsan Duqa Muqdisho, dardargelinta howlaha samafalka ee lagu caawinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo sida ugu haboon ee dib udajin loogu sameyn karo Barakacyasha.

 

Wasiirka Awqaafta oo u mahad celiyay guddiga tartanka Qur’aanka Bisha Ramadaan

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Gudigii Tartanka Qur’aanka Kariimka  Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo shaley lasoo geba gebeeyey.

wasiirka ayaa waxaa uu u mahadciliyey gudiga waxuuna ku amaanay sida ay  u gudeeen hawshii loo xilsaaray ee ahayd u garsoorida Ardayda ku Tartameysey xifdinta Qur’aanka kariinma.

 

Madaxweyne Xasan oo kormeeray xerada Jeneraal Goordan oo ay ku jiraan ciidamo ku biiraya dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar-galinaya halganka dalka looga ciribtirayo Khawaarijta ayaa maanta booqday Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 26-aad ee Ilaalo Qaran ee tababarka kusoo qaatay dalka Ereteriya.

Ciidamadaan oo noqonaya dufcaddii labaad ee ka tirsan Qaybta Ilaalo Qaran ee ku biiraya howlgalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta ayaa maalmaha soo aaddan u ruuqaansanaya deegaanada laga xoreynayo Argagixisada si ay garab u siiyaan halyeeyada Guutada Gumac oo hadda furimaha dagaalka ku baacsanaya firxadka Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ciidamada u jeediyay khudbad isugu jirtay dardaaran, dhiiri galin iyo guubaabo ayaa la wadaagay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka  gabagabada maraya ee dalka looga xoreynayo nabad-diidka, isaga oo faray in ay ilaaliyaan hab-dhaqanka iyo shuruucda ciidamada si ay u helaan kalsoonidda iyo hiillada shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaamisa ciidamada oo uu ka dhageystay warbixino ku saabsan xaaladda ciidamada iyo qorshahooda ka qayb qaadashada dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

       

Yemen:78 ruux oo ku dhintay goob lagu bixinaayey adeeg samafal

In ku dhow78 qof ayaa lagu dilay isbuurasho ka dhacday iskuul ku yiillay caasimadda Yemen ee Sanca,xilli dad boqolaal ruux ah ay sugaayeen adeeg samafal oo loogu talagalay in lagu bixiyo Fitrada bisha Ramadaan.

Dhimashada dadka ayaa timid waqti boqolaal ruux ay isugu soo baxeen iskuul ku yiillay degmada Bab al-Yemen ee Sanca, iyagoo rajeynaya inay helaan deeq samafal oo ku dhow 10-Dollar oo dad ganacsato ah ay ugu talagaleen in loo isticmaalo adeegga Fitrada.

Goobjoogayaal la hadlay wakaalada wararka ee AP ayaa sheegay in ciidamo ka socda Xuutiyiinta hubeysan ay rasaas u tideen hawada,iyagoo doonaya in ay ku kala eryaan ama ku xakameeyaan dadka , hasa yeeshee rasaastaasi ayaa la tilmaamay in ay ku dhufteen silig koronto, kaasoo qarxay, isla markaana abuuray argagax sababay isbuurasho.

Muuqaalo kala duwan oo ay baahiyeen Xuutiyiinta gacanta ku haya caasimadda, ayaa muujinaya dhiig, kabo iyo dhar daadsan dhulka  iyo kooxo baarayaal ah oo ku sugan goobta ama aagga.