Maamulka Gobolka Banaadir oo xiray goobo lagu iibiyo Maandooriyaha oo ku yaala xeebta Liido

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo masuuliyin kale ayaa xalay howlgal lagula dagaalamayo waxyaabaha maandooriyaha ah ka sameeya xeebta liido ee degmada Cabdicasiis.

Guddoomiya ayaa albaabada isugu dhuftay goobo lagu iibinayey Maandooriyaha, islamarkaana ay isugu yimaadaan Raga iyo Dumarka oo ku yaala xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis, waxa uuna dhalinyaro uu halkaa kula kulmay ku waaniyay in ay ka waantobaan isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya kuwaas oo qeyb weyn ku leh amni darrida caasimadda.

Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhowr jeer masuuliyiinta Gobolka banaadir ay u digeen dadka waxyaabaha fawaaxishada ee liddiga ku ah diiinta islmaamka ku sameeyo xeebta liido balsa ay ka dhaga adegeen taana ay sababtay in maamulka uu howlgal wadajir ah ay ku qaadaan,waxa uu tilmaamay sidoo kale in maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’antahay ciribtirka waxyaabaha maankadooriya oo bulshada soomaaliyeed dhibaata xooggan ku hayo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhankiisa sheegay  in goobtaan sida loo xiray ay tahay dib danbana loo furi doonin ciddii furtana ay kula xisaabtami doonaan,waxa uu intaa sii raaciyay in ay tagi doonaan goobaha kale ee ummadda gaar ahaan dhalinta soomaaliyeed lagu fasahaadiyo ee maandooriyaha iyo waxyaabaha anshax xumida ah lagu sameeyo.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada howlgallo lagula dagaalamayo waxyaabaha maankadooriya oo dhibaata badan ku hayo shacabka Soomaaliyeed,sidoo kalana qeyb ka ah amni darida xiliyada qaar ka dhacda degmooyin magaalada muqdisho.

Diblomaasiyiin iyo shaqaalo Mareykan ah oo laga daad-gureeyay colaadda Suudaan

Shaqaalaha safaaradda Mareykanka iyo qoysaskooda ayay ciidamada Mareykanku ka daad-gureeyeen caasimadda Suudaan ee Khartuum, halkaas oo ay dagaallo ka socdaan, sida uu sheegay madaxweyne Joe Biden.

Dagaallada u dhaxeeyo ciidamada Suudaan iyo kuwa RSF oo galay todobaadkii labaad ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof, halka kumanaan kale ay ku dhaawacmeen.

” iyagoo fulinanaya Amarkayga, millatariga Maraykanku waxay sameeyeen hawlgal ay Khartuum kaga soo saareen shaqaalaha Dawladda Maraykanka,” ayuu Biden ku yiri hadal uu soo saaray.

Saacado ka hor, kooxda dagaalka kula jira ciidanka Suudaan ee RSF waxa ay ku dhawaaqday in ay howlgalka militariga Mareykanka oo ka kooban lix diyaaradood kala shaqeysay sidii Suudaan looga daad-gureyn lahaa  diblamaasiyiinta Mareykan ah iyo qoysaskooda,kuwaas oo laga baqay in ay saameyn aan wanaagsaneyn ku yeeshaan isku dhacyada ka socda dalkaas.

Colaadda ayaa gashay todobaadkii labaad inkastoo labada dhinac -ciidamada iyo kuwa RSF- ay ku heshiiyeen xabbad joojin saddex maalmood ah oo lagu xusayo ciidaha Muslimiinta ee Ciidul Fidriga, laga bilaabo Jimcaha.

Shaqaalaha safaaradda Mareykanka ayaa loo qaaday goob aan la shaacin oo ku taal Itoobiya, sida ay wakaaladda wararka ee AP u sheegeen laba sarkaal oo Maraykan ah oo wax badan kala socda howlgalka daad-gureynta, waxaana ilaa iyo hadda la rumeysan yahay tirada laga saaray Suudaan in ay gaarayaan  ilaa 70 qof oo Mareynkan ah.

In ka badan 150 qof oo ka kala socday dalal kala duwan ayaa Sabtidii gaaray Sacuudiga, markii ugu horeysay ee lagu dhawaaqay in dad rayid ah laga daadgureynayo Suudaan.

Boliiska oo gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan in uu dhaawac u geystay muwaadin soomaaliyeed

Ciidanka booliska degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane lagu magacaabo Cabdi Maxamed Khaliif (Cabdi Haash Gaad) 30 jir ah, kaas oo ku eedeysan inuu dhaawac u geystay Maxamed Cabdullahi Sheekh Muuday 31 jir ah, kadib markii uu caloosha toorey uga dhuftay xalay.

Booliska ayaa sheegay in eedeysanaha oo goobta ka baxsaday ay ka soo qabteen isla degmada Waaberi oo uu ku dhuumaaleysanayay, iyadoo cadaaladda la waafajin doono.

Ciidamada Boliiska ayaa maalmahan degmooyinka iyo degaanada u dhaw kawaday howlgallo amniga lagu xaqiijinayo taa oo ay ciidamada ku soo qabteen kooxa ku howlanaa falal lidi ku ah amniga caasimada,waxaana xusid mudan in ciidamada boliiska ay kaalin muuqata ka qaateen in Bishii Ramadaan ummadda soomaaliyeed ay si nabadgalyo ah ay ku dhameysteen.

Mataaneynta Magaalooyinka Muqdisho iyo Belgrade

Belgrade:- Safiirka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u fadhiga dalka Serbia Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa maanta kulan wax ku ool ah la qaatay Duqa Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Jamhuuriyadda Serbia Mudane. Aleksandar Šapić.

Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo Duqa Magaaladda Belgrade ayaa waxaa ay ka wada-hadleen sedax arimood oo kala ah, dib u mataaneynta labadda caasimaddood ee Muqdisho iyo Belgrade, In khubaro injineero ah ay daraasad rasmi ah kuu sameeyaan habka biyo-mareenka ee Caasimadda Muqdisho. Qorshaynta habsami u socodka gaadiidka dadweynaha, gaadiidka gar-gaarka deg deg ah, iyo gaadiidka waxbarashadda iyo weli maareynta saxmada magaalada, sida wakhiga ay socon karaan gaadiidka xamuulka iyo isticmaalka goobaha gaadiidka la dhigo.

Dhanka kale, Mudane. Aleksandar Šapić. Duqa Magaaladda Belgrade ayaa sheegay in xiriirka labadda Caasimadood uu ahaan jiray mid aad xoog badan. “keydka xusuus dhowrka Belgrade waxaan ku arki kartaa sida ay u wada-shaqeyn jireen madaxda muqdisho iyo Belgrade ayuu yiri Aleksandar Šapić. Duqa Magaaladda Belgrade, waxaana ka mid ahaa buu yiri Mudane Axmed Maxamud Cadde, Mudane Yuusuf Ibraahim Cali, Cusmaan Maxamed Jeelle iyo Xasan Abshir Faasax.

Sidoo kale, Danjire Maxamed Cabdullahi Axmed ayaa Duqa Magaaladda Belgrade u gudbiyay dhambaal rasmi ah oo ka yimid Duqa Magaaladda Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimaacle “Maddaale” oo ku sabaabsan dib usoo celinta xiriirkii soo jireenka ahaa labadda Caasimaddood ee qadiimiga ah.

Labada Dowladdood ee Soomaaliya iyo Serbia ayaad moodaa in ay si wagaasan ay iskula jaanqaadayaan tan iyo dib u furidda Safaaradda jamhuuriyadda Federaalka ah ee magaaladda Belgrade. Xiriirka labadda dal ayaa ah mid ku dhisan wax-wada qabsi, iyo is-ixtiraam iyo iskaasho danaha labadda dal.

   

Madaxweynaha JFS oo cafis u fidiyay 127-Maxbuus oo ku eedeysnaa dambiyada fudud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis u fidiyay 127-maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar iyo Xabsiga MBC ee Ex-control Afgooye,kuwaas oo saakay la sii daayay Munaasabadda Ciidda awgeed.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah ayaa soo jeedin u sameeyay madaxweynaha JFS in cafis madaxweyne lagu sii daayo maxabiista ku xukuman dambiyada fudud ee ku xirnaa xabsiga Dhaxe ee Xamar iyo Xabsiga MBC ee KM7.

  

Khasaaraha Khawaarijtu lagu gaarsiiyay weerarkii Masagawaa oo la shaaciyay

Ciidamada Xoogga Dalka iyo xoogagga deegaanka ayaa fashaliyay weerar naf lacaari ah oo Khawaarijtu saakay ku soo qaadday degmada Masagawaa ee gobolka Galguduud.

Generaal Tareedisho oo ka mid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in weerarka uu saakay ka dhacay duleedka degmada Masagawaa,islamarkaana jab xooggan lagu gaarsiiyay cadowga.

“ Khasaaraha hadda intaan xaqiijinay waa 18- oo Khawaarijta ah, niman maaryaan diimeed ah iyo dadka deegaanka ayaa dagaallamay, waana la iska dhiciyay, dadka deegaanka ayaanna guuleystay,

Sidoo kale, Generaal Tareedisho, ayaa sheegay in weerarkaas ay ku shahiideen saddex oday dhaqameed oo ka tirsanaa dadka deegaanka oo qoryaha u qaatay sidii ay isaga dul qaadi lahaayeen Khawaarijta oo qaarkood ay macallimiin Dugsi ay ahaayeen.

Khawaarijta ayaa ku guuldareystay weerarka Masagawaa, waxaana hadda ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka ay ku daba jiraan firxadka Khawaarijta ka baxsaday goobta dagaalka.

Ciidamada Xoogga Dalka oo fashiliyay weerar nafla caari ah oo Khawaarijta ku qaadeen degmada Masagawaa

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogagga dadka deegaanka ayaa Khawaarijta ku jabiyay weerar nafla caari ah oo ay saakay isku dayeen in ay ku arbushaan fariisin ciidanka ay ku leeyihiin degmada Masagawaa.

Waxaa jira Khasaaro xooggan oo la gaarsiiyay Khawaarijta weerarka gaadmada ah soo qaaday, sida uu ku soo waramayo wariye ka tirsan Warbaahinta Qaranka oo jooga Masagawaa.

Khawaarijta oo aanan awoodin in ay dagaal toos ah kala hor yimaadaan geesiyaasha Xoogga Dalka ayaa Qaraxyo waxay ku soo xireen kuwa ay qaldeen, laakiin naftood hurayaasha Ciidanka Qaranka ayaa hor istaagay damaca Khawaarijta.

Goor dhow la soco faah-faahinka dheeraad ah

Ciidamada Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland oo qaaday howlgal ka dhan ah Khawaarijta

Ciidaamada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyay deegaanno hoos yimaadda degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, si loo xaqiijiyo badqabka muwaadiniinta ku ciideysa farxadda.

Howlgalkan ayaa ujeedkiisu ahaa in laga hortago dhagarta kooxda khawaarijta Al Shabaab ee caadeystay daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee degmada Afmadow, G/dhexe Mahad Maxamed Islaam oo hoggaaminayay howlgalkan ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada lagu cirib tirayo Khawaarijta.

Kooxda gabalkooda sii dhacayo ee Khawaarijta Al-shabaab ayaa hadda bilaabay in ay ka cararaan deegaanno badan oo muddo badan shacabka ay ku dhibaateyn jireen ka dib markii ay ka war heleen in ciidamada xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka oo isgarabsanaya ku soo wajahan yihiin.

     

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SALAADDA CIIDDA LA OOGAY KUMANAAN SHACAB AH

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masaajidka Isbahaysiga Islaamka kula oogay Salaadda Ciidda, kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiinta iyo howlwadeennnada dowladda.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga oo astaan u ah is-jacaylka, midnimada iyo is garab istaagga dadka muslimiinta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baraarujiyey dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqamada wanaagsan ee lagu dadaalayey muddadii lagu guda jiray Bishii Ramadaan, kuwaas oo xoojinaya is-caawinta bulshada, walaalnimada iyo hufnaanta nafta.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda Ciidda awgeed, waxa uu si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, saraakiisha, askarta iyo qoysaska Ciimada Qalabka Sida, oo xaqiijiyey amniga dalka muddadii lagu gudajiray bisha Ramadaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay ahmiyadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay farxadda Ciidda deeq siiyaan dadka danyarta ah, ayaa Alle ka baryey in dalkeenna uu ku mannaysto naxariis, horumar iyo barwaaqo.

  

Ciidanka Danab oo deeq raashin ah gaarsiiyay xarun ay ku jiraan caruur darbi jiif ah

Ciidamo ka socday Kumaandooska Danab ee XDS ayaa deeq raashin ah gaarsiiyey xarunta lagu dhaqan celiyo caruurta darbi Jiifka ah ee.

Maama Ugaaso.

Madaxa Arrimaha Bulshada ee taliska guutada ciidamada Danab,Asli Maxamuud Xasan Xalane oo ka hadashay wareejinta iyo qeybinta deeqdaasi,ayaa caruurta ku jira carunta dhaqan-celinta ka codsatay in ay u soo duceeyaan ciidamada dalka oo dagaal kula jira kooxaha khawaarijta.

Qaar kamid ah caruurta ayaa ka mahadceliyay deeqdaasi raashinka ah ee la gaarsiiyay,waxayna ku duceeyeen in uu Ilaah siiyo ciidamada guullo isdaba jog ah.

Waxqabadka dhabta ah ee ciidamada ayaa ah in gacan ay ku difaacaan dalka,gacanna ku saacidaan shacabka.