Mudada qabashada araajida shirkadaha diyaaradaha ee qaadi doona Xujeyda oo la kordhiyay

Guddiga Tartansiinta ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa kordhiyay mudada qabashada araajida tartanka shirkadaha diyaaradaha ee qaadi doona Xujayda Soomaaliyeed ee sanadkan 1446/2025.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in uu furan yahay tartanka daabulka Xujeyda, waxaana shirkadaha diyaaradaha ee daneynaya ka qeybgalka tartankan lagu wargeliyay inay soo gudbiyaan araajidooda inta lagu guda jiro mudada cusub ee lagu kordhiyay.

Shuruudaha lagama maarmaanka ah ee shirkadaha ka qeybgalaya tartanka ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka, waxaana ka mid ah:

1- Shirkadda waa inay soo gudbisaa codsi qoraal Af Soomaali ah oo uu saxiixay maamulaha shirkadda.

2- Shirkaddu waa inay soo gudbisaa sooyaal shaqo oo Af Soomaali ah, kuna cad yihiin cinwaannada iyo xafiisyada shirkadda.

3- Shirkaddu waa inay leedahay xafiis shaqeeya oo ku yaalla gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

4- Waa in shirkaddu leedahay khibrad shaqo ugu yaraan shan sano ah oo ku saabsan daabulka Xujeyda.

5- Shirkaddu waa inay ku jirtaa caymis aan dhacsaneyn oo ay soo gudbiso nuqul kamid ah heshiiska caymiska.

6- Shirkadda lama doonayo inay horey Maxkamad xukun ciqaabeed ugu ridday shantii sano ee ugu dambeysay.

7- Waa in shirkaddu haysato ruqsad duulimaad oo ka timid Hay’adda Duulimaadka Rayidka Soomaaliyeed iyo shati ganacsi oo aan dhacsaneyn.

8- Shirkad walba waa inay tahay canshuur bixiye oo soo gudbisaa waraqadda canshuur bixinta Wasaaradda Maaliyadda.

9- Shirkaddu waa inay ku magac gooni ah tahay oo aanay la magac noqon shirkad kale oo tartanka ka qeyb galeysa.

10- Shirkaddu waa inay soo gudbisaa dhaq-dhaqaaq xisaabeedkeeda bangiga (Bank Statement) lixdii bilood ee ugu dambeysey.

11. In ay Shirkaddu haysato ugu yeraan 4 Diyaaradood, soona caddeysaa qaadkooda noocooda iyo guud ahaan badqabka Diyaaradaheeda (Documents).

12. In ay shirkaddu soo gudbiso ruqsadda duulimaadka tooska ah ee ay ka heysato Soomaaliya iyo Sacuudiga.

13. In ay shirkaddu u sameyso Xujeyda Soomaaliyeed duulimaadyo toos ah oo aan sii mareynin, soona mareynin dal kale.

14. In ay shirkaddu diyaar u tahay dhigista dammaanad lacageed oo dhan 25% gund ahaan tikidka xaajiga Soomaaliyeed, taasoo u soo noqaneysa Shirkadda marka ay gudato waajibaadkeeda shaqo.

15. In ay shirkaddu ka daabuli karto xujeyda Soomaaliyeed Garoomada diyaaradaha ee loo cayimay, kuna yaalla gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

16. In ay shirkaddu soo gudbiso qiimaha ugu yar ee kama dambeysta ah ee sicirka tikidka xaajiga Soomaaliyeed sanadka 1446/2025

17. Shirkaddii ku guuleysata adeegga daabulka Xujeyda Soomaaliyeed waxey heshiis shaqo la galeysan Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta JFS.

18. Shirkadaha daneynaya ka qeybgalka tartanka waxay araajidooda kusoo hagaajinayaan Xafiiska Waaxda Arrimaha Xajka iyo Cummada ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta (hard copy), ayadoo lagu soo xirayo gal-xiran (bashkhad) sidoo kale waxay nuqul ka mid ah kusoo dirayaan Emailka. dg@mera.gov.so

19. Soo gudbinta Araajida waxay ka bilaabaneysaa Axad 23. 09. 2024, waxeyna ku egtahay maalin axada 29/09/2024.