Maamulka SODMA iyo Qaramada Midoobay oo ka hadlay xaaladda bin’aadanimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka (SODMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahana isku-duwaha gargaarka bani’aadannimo ee dalka Md. George Conway ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan bille ah oo dhinacyadu ku gorfeeyeen xaaladaha bani’aadannimo ee taagan.

Shirkaan oo ay qeyb ka ahaayeen hay’adaha OCHA, UNDP iyo FAO, ayaa diiradda lagu saaray u diyaar-garowga abaaraha laga baqayo in ay ku dhuftaan qaybo ka mid ah bariga Afrika kuna jirto Soomaaliya, halka wax la iska weydiiyay sababaha keenay fatahaadaha xilligaan ka socda degaannada ku teetsan Wabiga Shabeelle, xilli aysan jirin roobab xooggan oo ka da’aya Soomaaliya iyo buuraha Itoobiya.

Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay warbixintii qiimaynta khasaaraha ka dhashay fatahaadihii Dayr-ta ee sanadii tagtay, xoojinta arimaha kahortagga leexsashada gargaarka, wadaagidda iyo wadajir uga war-qabka xogaha arrima bani’aadannimada ee dalka iyo sidii loo dardargalin lahaa mashruuca biyo xireenka Sabuun ee duleedka Jowhar, gaar ahaan qeybta mashruucaan ka quseysa Hay’adda Maareynta Musiibooyinka.